Tuesday, July 15, 2025

Maamulka Puntland oo bilaabay Diyaar-garowga socdaalka Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku sii jeeda degaanada maamul Goboleedka Puntland.

Qabanqaabada socdaalka Farmaajo ee degaanada Puntland ayaa laga dareemayaa magaalada Garowe, waxaana loo magcaabay guddi qaabilsan soo dhoweyntiisa kadib shirkii golaha wasiirada Puntland ee shalay qabsoomay.

Madaxweyne Farmaajo oo hore u balanqaaday inuu tegi doono dhammaan maamulada dalka ayay noqoneysaa markii ugu horeysay ee uu booqdo degaanada Puntland, wuxuuna hore u tegay magaalooyika Baydhaba iyo Kismaayo.

Wada-shaqeynta dowladda Farmaajo iyo maamul goboleedyada aya u muuqda mid sii xoogeynaya, halka uu sii yaraanayo xiriirka ay la leedahay Baarlamaanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON