Monday, June 23, 2025

Maamulka Puntland oo ku dhawaaqay inuu xuduudka ka xirtay Koonfurta Soomaaliya..!

Maamul Goboleedka Puntland ayaa ku dhaqaaqay tallaabo aan hore loo arag, kadib markii ay sheegtay inay xirtay xuduudka ay la leedahay Koonfurta Soomaaliya.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland C/llaahi Maxamed Jaamac(Quraanjecel) oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in Puntland xirtay xuduudaheeda ay la wadaagto koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, isla markaana anay aqbali doonin gaadiid kasoo gudba dhanka koonfurta oo soo gala degaanada Puntland.

Wuxuu intaas ku daray in la fulinayo go’aanadii lagu mamnuucay  in gaadiidka ka yimaada koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ay galaan Puntland.

Ad
GAALKACYO-GAADIID
Gaadiidka ay Puntland ku celisay Magaalada Gaalkacyo

Waa tallaabadii ugu horeysay ee nooceeda ah oo maamul ka tirsan Soomaaliya ku shaaciyo inuu xuduudka ka xirtay Soomaalida kale, waxayna tani muujineyaa sida hogaamiyeyaasha xilligan u doonayaan inay dalka u kala qoqobaan.

Magaalada Gaalkacyo ee kala qeybsan ayaa laga soo sheegay in lagu celiyay maanta gaadiid fara badan oo siday cunto, xoolo iyo ganacsi kala duwan, waxaana baabuurta xoolaha sida ay ka cabanayeen inaysan xoolaha ay sidaan halis gelayaan iyadoo aan hore loogu sii diyaarin gaadiid kale.

Goobjooge.com

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON