Thursday, July 3, 2025

Maamulka Somali-State oo dib ula soo noqday Degmooyin lagu wareejiyay Is-maamulka Cafarta Itoobiya

Golaha Wasiirada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa dib ula soo noqday saddex degmo oo la hoos geeyay is-maamulka Cafarta Itoobiya, wuxuuna laalay heshiis maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar uu la galay maamulka gobolka Cafarta.

Heshiiska oo ay taageeraysay dowladda Federaalka Itoobiya ayaa deegaanada kala ah: Cadhuufo, Caddeyto iyo Garbo-Ciise oo ka tirsanaa dhulka Soomaalida Itoobiya, waxaa lagu wareejiyay maamulka Canfarta, waxaana arrintaasi ka dhashay rabshado iyo werarro ay dad badan oo Soomaali ah ku dhinteen, labada dhinacna isku dhacyo joogto ah dhex maraan.

Weerarkii ugu danbeeyay waxaa lagu dilay 11 qof oo Soomaali, waxayna ugu danbeyn dhalisay in Golaha wasiirrada maamulka Somali State uu heshiiskaasi waxba kama jiraan kasoo qaado isagoo dhinaciisa ka baxay, kuna dhawaaqay in saddexda degaan ka tirsan yihiin maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda war-faafinta Dowlad Deegaanka Soomaalida, Salaad Dhabar Yuusuf ayaa sheegay in markii ay badatay dhibaatada haysata dadka deegaanadaasi deggan ay go’aansadeen in ay dhulkaasi ku soo celiyaan gacanta maamulkooda. laakiin lama oga go’aanka halka dhinac ah inay aqbali doonaan dowladda Itoobiya iyo maamulka Cafarta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON