Wednesday, June 25, 2025

Maamulka Somaliland oo laga dalbaday inay xorriyadiisa u celiso suxufi Cabdimaalik Muuse Coldoon

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay xorriyadiisa u soo celiso suxufi Cabdimaalik Muuse Coldoon oo xidhan tan iyo 15kii February kadib markii dawladdu ku eedaysay inuu taageeray oo u ololeeyay murashax madaxwayne ka tartamay Somalia.

Cabdimaalik waxa la xidhay kadib markii uu safar kaga soo noqday magaalada Muqdisho ee dalka Somalia. 18kii February ayay Maxkamadda Gobolka Hargeysa rumaan garaysay todob cisho. Markii ay dhamaatay todobadii cisho waxa dib loo horkeenay Maxkamadda 26kii February iyada oo todobo cisho oo kale loo diray xabsi ku hayn. Kadib dib looguma soo celin maxkamadda.

Booliisku waxaay ku eedeeyeen Cabdimaalik inuu ku kacay hawlo ka dhan ah qaranka iyo faafin warar been abuur ah.

Eedda loo haysto Cabdimaalik waxaay salka ku haysaa aragti uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga. Xorriyadda hadalka iyo cabiradadda aragtida waxa damaanad qaaday dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Ma aha inay Somaliland ka cadhooto aragti kasta oo ka duwan midda ay aaminsan tahay. Waa in loo ogolaaado inay dadku cabiri karaan aragtidooda iyaga oo aan cabsi ka qabin in dhibaato ka soo gaadho.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ka codsanaysaa dawlada Somaliland inay xorriyadiisa u soo celiso Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Guleid Ahmed Jama
Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka
Hargeisa Somaliland
Email: [email protected]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON