Maamulka Somaliland ayaa go’aan ka soo saartay hey’adaha laga leeyahay Koonfurta Soomaaliya ee ka shaqeeya degaanada Somaliland.
Kadib shir ay shalay yeesheen Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa laga soo saaray qodobo uu ka mid in hey’adaha laga leeyahay koonfurta Soomaaliya aaney wax mashruuc ah ka fulin kari degaanada Somaliland, isla markaana aaney howlgeli karin.
Arrintan ayaa ka mida tallaabooyin uu qaatay maamulka Somaliland ee xayiraadda lagu saarayo dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya.