Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maalinta Berri ah kusoo wajahan caasimadda Soomaaliya, socdaal uu ku imaanayo Muqdisho.
Wafdi hordhac u ah wafdiga Madaxweynaha Jabuuti ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, waxaana safarkiisa lagu sheegay mid rasmi ah, isagoo ka qeyb geli doona wadahadallo heer sare ah iyo furista Akadeemiyadda Af-soomaaliga ee Muqdisho sanad ka hor laga dhisay.
Dhinaca kale waxaa la filayaa inuu Muqdisho yimaado wafuud kale oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Is-maamulka Soomaalida dalka Itoobiya Mustafe Cag-jar iyo wafdi la socda.
Dhinaca kale Hay’adda Duulista Hawadda ee Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay maalinta Berri ah ku xirtay hawada Soomaaliya, iyadoo joojisay dhammaan duulimaadyadii imaan lahaa Garoonka Aadan Cadde, marka laga reebo kuwa gaarka ah.
Ujeedka loo xiray hawada ayaa lagu sheegay arrimo farsamo, laakiin waxay wararku sheegayaan in socdaalka Madaxweynaha Jabuuti uu qeyb ka yahay, iyadoo inta badan isu socodka caasimadda Muqdisho la joojin doono.
