Tuesday, June 24, 2025

Macalin Max’ud: “Markii aan aragnay in Dadkii la leynayo ayaan tanaasulnay, laakiin Ahlu suna kama tanaasuleyno”

Hoggaamiyaha Ahlu suna Macalin Maxamud Sh. Xasan ayaa markii ugu horeysay la hadlay saxaafadda kadib markii lasoo gabagabeeyay dagaalkii xaruntooda INJI ee magaalad Dhuusamareeb ayna ciidamadooda isu dhiibeen dowladda Soomaaliya.

“Waxaan ka tanaasulney go’aankeenii siyaasadeed ee hoggaaminta Galmudug, diyaarna uma nihin in markale dhiig daato ama bulshadu iska hor timaado, waxaan u taagan nahay doorkeenii diimeed iyo caqiiqada Ahlusunna Waljamaaca..” ayuu yiri Macalin Maxamuud oo ku adkeystay in hoggaankoodii diimeed ay ku ekaan doonaan oo aysan ka tanasuleyinin Ahlu sune Waljamaaca.

“Waxaan is tusnay inaan u tanaasulno umadda Soomaaliyeed ee aan dhibteeda qeyb ka qaadano, waxaan dooneynaa in si wanaag ah wax loo qeybsado. laakiin aan dagaal iyo dhiig la daadin… markii aan aragnay inaysan shaqeynin oo dagaal iyo dadkii la leynayo ayaa intii aan qeyb ka noqon lahayn waxaan go’aansanay inaan ka joosanayo.. Waxaan caddeynaynaa inaan Ahlu suna Waljamaaca lagatanaasuli karin oo waa caqiido..” ayuu yiri Macalinka oo sheegay in tanaasulkooda aanu ahayn Ahlu sunenimada.

HOOS KA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON