Friday, June 27, 2025

Macalinkii Alshabaab-ka noqday ee Ilka-case iyo xubno kale oo Toogasho ah lagu fuliyey (Akhriso dadkii uu dilay)

Waxaa saaka Dil toogasho ah ku fuliyay Maxamed Xaaji Axmed oo (Macalin Ilkacase) iyo laba Xubnood oo kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo qeyb ka ahaa shabakad araxyada iyo dilalka qorsheyan ka fulisa Muqdisho.

Dilka ayaa ka dhacay Fagaaraha Dugsiga Tababarka Janeraal Kaahiye, waxyana xubnaha la toogtay kala ahaayeen: Maxamed Xaaji Axmed ( Macalin Ilkacase), Axmed Maxamed Haashim iyo Saalim Siciid Maxamed, kadib markii ay muddo sanad ku 4 bilood ah dilkaasi ku xukunaayeen.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa 19-kii Bishii July ee sanadkii 2019 waxaa ay xukun dil toogasho ah ku riday Macalin Ilkacase & Xubnaha kale, kadib markii ay racfaan ka qaateen xukun dl ah oo horay loogu riday, kuwaas oo Maxkamadu sheegtay inay dilal qorsheysan iyo weerar kal geysteen Magaalada Muqdisho.

Janaraal Cabdullaahi Buulle kamey, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida oo fulinta xukunka kaddib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhagarqabayaashaan oo dilay dad badan oo ay kamid ahaayeen, marxuum Cumar Maxamed Abiikar 10-08-2016, sareeye guuto Ismaaciil Axmed Ismaaciil(Makayaalo) 28-10-2016, iyo marxuum Cabdulqaadir Daahir Diiriye 16-01-2018, lagu fuliyay dilka maanta oo taariikhdu tahay 29-11-2020.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON