Monday, June 23, 2025

Machadka Heritage oo tallooyin ku saabsan siyaasadda Arrimaha dibadda u jeediyay Madaxweyne Farmajo [Akhriso]

Machadka Heritage ayaa soo saaray daraasad ku saabsan siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo qaabka ay u wado dowladda Soomaaliya ee xilligan talada heysa, taasoo cinwaan looga dhigay: Soomaaliya iyo Baahida Siyaasad Dibadeed: Fogaan-Arag ku Qotonta.

Daraasadda oo dheer waxaa dowladda Farmaajo loogu soo jeediyey tallooyin ku saabsan siyaasadda arrimaha dibadda, waxaana loogu yeeray Xukuumadda Farmaajo waxay u baahan tahay in ay dhinto xawaaraha ay go’aamada ku qaadato.

HOOS KA AKHRISO TALLOOYINKA MACHADKA HERITAGE U JEEDISAY FARMAAJO:

Dowladuhu ma xamili karaan khatarta uga imaan karta inay gudcur ku gudaan, weliba waddooyinka xiriirada dowliga ah ay maraan oo ah kuwa aan lahayn shuruuc wax kala hagta.

Duruufaha dalkaan haysta waxa ay Soomaaliya u ekaysiinayaan gaari aan muraayad haadyo dhinacyada iyo gadaale toona ku lahayn, taas oo keenaysa in la weheshado, xirfad dheeri ah iyo u-dhabba-gal.

Maaddaama uu yahay masuul loo doortay hoggaaminta dalka, Madaxweynaha waxaa saaran mas’uuliyad sharci iyo mid qofeed oo amraya in uu ilaaliyo masaalixda dalka oo badan, mar-marka qaarkoodna ay dhici karto in ay iska horyimaadaan.

Taasina waxay u baahan tahay qiimayn xasil-naan salka ku haysa iyo taxliil qodan, laba arrimood oo aad mooddo in ay go’aan-qaadashada dowladdu si u baal-marsan tahay.

2- Dowladda Federaalka ah, in kasta oo aysan u suura-geli doonin in ay helaan siyaasad arrimo dibadeed oo is-qab-qabsi ka maran, haddana waa in aysan dalna isku dhiibin, waa in ay doontaa heshaana xurmadda dalalka kale ay u hayaan, waana in ay raadisaa danaha qaranka Soomaaliyeed.

Arrimahaasna waxaa lagu xaqiijin karaa oo kaliya, haddii dowladdu si cilmiyaysan isu garab dhigto go’aan kasta faa’iidada iyo khataraha uu leeyahay, ayna go’aanka ku qaadato danta dalka ee aysan eegin danta dowladda, iyo in ay go’aamadu noqdaan kuwo hay’ado
gaaraan ee aan shakhsiyaad ku talo bixin, laguna saleeyo xayndaabyada iyo xudduudaha sharciga.

Aragti noocaas ah iyo hawl-gal ku salaysan aragtidaas ayaa u sahli kara qaranka Soomaaliyeed, si kasta oo u luudayo, in uu u adkaysto, iskana caabiyo culaysyada bannaanka uga imaanaya iyo isku day kasta oo lagu doonayo in looga muraadsado.

3- Madaxweyne Farmaajo waa in uu fahmo in dhammaan go’aamada masiiriga ah ee Qaranka ay u baahan yihiin in ay noqdaan kuwa loo dhan yahay, wada tashi ballaaranna la galiyey. Dastuurka dadkii qoray waxay ku naqshadeeyeen aragti muujinaysa talowadaag,
taas oo daawo u ah kala ir-dhowga iyo kala shakiga bulshada Soomaaliyeed hayey.

Si dareenkaas dastuuriga ah ee isla tashiga iyo talawadaagga ah si cilmiyaysan oo caqliyaysan loogu hirgeliyo, Madaxweynuhu waa in uu talada badiyaa marka uu go’aano qaranka saamaynaya uu gaarayo.

Xaaladda dagaal iyo dumis-kasoo-doogsiga ee dalka ayaa iyana khasbaysa in dowladdu ay raadiso aqbalka iyo taageerada maamul goboleedyada iyo taloleyda kale ee Qaranka sida Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada.

La tashigoodu, waa run oo waa uu xoojinayaa hay’adahaas iyo masuuliyiintaas, laakiin sinaba Madaxweynaha uga wareejin mayo awoodihii dastuurku u oggolaa. Hal cilmi oo taariikhda laga kororsan karo waxa ay tahay, go’aamadii lagu tala baxaa, waxay la kulmaan hor-istaag, iyo fashilin.

In awoodda xukuumaddan ay Xamar ku eg tahayna waa mid keenaysa in hanaanka wadar-ogol la iimaansado, markii go’aan qarameed la qaadanayo.

HALKAN KA AKHRISO WARBIXINTA OO DHAMMEYSTIRAN

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON