Monday, July 14, 2025

Machadka Heritage: “Sida loo doonayo in Doorashada 2020 loo boobo, waxaa i qarso noqon doona boobkii 2016-kii”

Machadalka cilmi baarista Heritage ayaa warbixin faallo ah kasoo saaray xaaladda Doorashada dalka iyo qaabka loo wado, isagoo ka digay inay doorasho ku socoto mid kasii daran boobkii ka dhacay doorashadii 2016.

“Sida loo doonayo in doorashada 2020 loo boobana waxay u eg tahay in boobkii 2016-kii
uu noqon doono i qarso” ayaa lagu yiri faallada Machadka Heritage oo sidoo kale soo jeedisay tallooyin wax looga qaban karo Doorashada.

HOOS KA AKHRISO WARBIXINTA

Markii asbuucii hore uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya magacaabay Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashooyinka, dalka waxaa u soo hormartay tilmaan muujinaysa waxa laga fili karo doorashada soo socota ee baarlamaanka iyo midda madaxweynaha ee dalka, taas oo ah: dib ugu noqosho wax isdabamarin baahsan oo la mid ah doorashadii 2016-ka.

Guddiga la yiri doorasho ayay qabanayaan waxaa ka mid ah saraakiil ka tirsan xafiiska Madaxweynaha iyo midka Ra’iisul Wasaaraha, saraakiil xafiisyada madaxda dowlad goboleedyada, diblomaasiyiin, saraakiil amni iyo shaqaale dowladeed.

Magacaabistaasi waxa ay ka hor imaanaysaa heshiiskii bishii September ay madaxda owladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyadu doorashada ka galeen, kaas oo tilmaamayey in dhinac kastaa uu magacaabi doono xubno dhexdhexaad ah oo dadka Soomaaliyeed kalsooni ku qabi karaan. Dadka hadda guddiyaasha doorashada loo magacaabay ma ahan oo kaliya inay yihiin dad madaxda kala duwan ku kala xiran, balse waa dad guddiyadaas loogu daray oo kaliya inay ka shaqeeyaan maslaxadda madaxda magacaabatay ee heer federal ama heer dowlad goboleed.

Nasiib darro, habkani, waa hannaankii la isticmaalay 2016-kii oo waa ayadii saraakiil ku Dhaweyd madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyadu ay hoggaaminayeen isla markaana boobayeen doorashii 2016-ka, kuwaas oo doorashadaas ka dhigay mid musuq xoog iyo xaqdarro harraysay. Sidaas oo ay tahay, wax isdaba marintii doorashadii 2016-ka kuwii ka danbeeyey wax weyn kama aysan faa’iidin, laakiin waxaa xildhibaanno laga dhigay in badan oo kamid ah kuwii ay u xaglinayeen madaxdii dowladaha (heer federaal iyo heer maamul goboleed) iyo masuuliyiintii ay doorashada u dhiibteen. Boobka doorashadii 2016-ku waxa uu ahaa mid mahadhooyin reebay ilaa haddana Soomaali ay hadal hayso, sida loo doonayo in doorashada 2020 loo boobana waxay u eg tahay in boobkii 2016-kii uu noqon doono i qarso.

Waxaa jira tilmaamo badan oo muujinaya in madaxda federaalka iyo kuwa gobolladu ay doonayaan inay mar kale doorashada u musuqmaasuqaan sidii doorashadii 2016-dii loo musuqay, iyagoo quud darraynaya inay guul ku gaari karaan boobka doorashada. Nasiib darro, boobka iyo musuqa doorashadu waxa uu macno dilayaa hannaanka doorashada iyo Dowladnimada, waxa uuna shacabka dhaxalsiinayaa inay ka quustaan dowlanimada iyo inay ka aamin baxaan inta siyaasadda ku jirta. Taasina waxay caqabad ku noqonaysaa dhisidda qaran dimuqraadi ah. In shacabku kalsooni ku qabaan hannaanka doorashooyinkana waxay lagama maarmaan u tahay in Soomaaliya ay nabad hesho qaranna uu u dhismo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON