Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in madaafiic ku soo dhaceen xaafado ka mida degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir.
Madaafiiicda ayaa ahaa Hoobiyeyaal, waxayna ku habsadeen xaafadda Geed-jaceyl ee degmada Wardhiigley, iyadoo aan la ogeyn halka ay ka yimaadeen madaafiicdaasi oo naxdin iyo jaha-wareer ka dhaliyay degaankaasi.
Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya in ilaa shan qof ay ku dhaawacmeen madfac ka mida kuwii ku soo dhacay xaafadda Jeed-jaceyl, kaasoo haleelay wadadda laamiga ah, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in ilaa 4 Hoobiye ay ku dhaceen xaafadda.
Waxaa goobtaasi gaaray ciidamada amniga, waxayna xaafadda ku dhowdaha Madaxtooyada Soomaaliya oo inta badan ay Alshabaab la beegsan jireen madaafiicda ay soo tuuraan.