Guddoomiyaha Guddiga Doorashada dadban ee heer Federaal ayaa kashifay muran ka dhex taagan madaxda madasha Qaran iyo beesha caalamka.
Khilaafkan ayaa ku saabsan qaabka dib loogu dooranayo shan kursi oo ka mida Baarlamaanka Federaalka oo hore loo laalay markii lagu eedeeyay inay si musuq iyo awood sheegasho ah ku soo baxeen.
Shanta xubnood oo ka mid ahaa 11-kii xildhibaan ee uu laalay Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa Madashu ay 7 kamida cafisay oo la dhaariyay iyadoo ku dartay xildhibaan kale.
Beesha Caalamka ayaa dooneysa in kuraastaasi dib loogu doorto magaalada Muqdisho iyaguna ay goobjoog ka noqdaan, halka madaxda maamul goboleedyada ay diideen oo ay si cad u sheegeen in degaanadii doorashadoodu ka dhacday dib loogu celinayo.
Arrintan ayaa keentay inay hakato gebi ahaan dib u doorashada kuraastan, waxaana warbixinta xaaladda kuraastan oo ah mid siyaasadeed loo gudbiyay guddoonka Baarlamaanka cusub.
HOOSKA AKHRISO MAGACYADA 5-TA MUSHARAX EE KURAASTOODA LA ISKU HEYSTO
AKHRISO: Magacyada Xildhibaanada kuraastooda dib loo dooranayo ee Madashu laashay
Goobjooge.com