Madasha Xisbiyada Qaran ee ay hoggaamiyaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa ku baaqday in la qabto shir ay isugu yimaadaan dhammaan Saamileyda siyaasadeed ee dalka si dalka looga qabto Doorasho xilliga ku dhacda oo ay isla ogol yihiin dhinacyada oo dhan.
Qoraal kasoo baxay Madasha Xisbiyada ayaa lagu soo dhoweeyay hadal uu dhowaan dhowaan jeediyey Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Xasan Cali Kheyre oo uu ku sheegay inay ka shaqeynayaan sidii loo qaban lahaa Doorasho la isla ogol yahay.
War-murtiyeedka Madasha ayaa ku boooriyeyDowladdu ka dhabeyso oo ay ficil u bedesho hadalka Ra’iisal wasaaraha, isla markaana aqbasho in la qabto shir degdeg ay isugu yimaadaan saamileyda Siyaasadeed, si looga heshiiyo jadwalka iyo nooca doorashada ee dalku aadayo.

HOOS KA AKHRISO

