Madax hore, siyaasiyiin caan ah oo ay ka mid yihiin Musharixiintii la tartamay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hor yimid heshiiska Madasha Qaran ku gaareen wax ka bedelka nidaamka dowladnimo iyo Doorashooyin qof iyo cod ah.
Qoraalka waxaa ku saxiixan 9 xubnood oo isugu jira madax hore iyo siyaasiyiin caan ah, waxayna kala yihiin:
1- Shariif Sheekh Axmed
2- Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke
3- Xasan Cali Kheyre
4- C/weli Sheekh Axmed
5- C/weli Cali Gaas
6- Shariif Xasan Sheekh Aadan
7- Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed
8- C/qaadir Cali Cosoble
9- Dr. C/naasir Cumar Cabdulle
Hoos ka akhriso Qoraalka siyaasiyiinta iyo madaxda hore
“Annagoo ah mas’uuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin waxaan soo dhawaynaynaa in dalka la gaarsiiyo hannaan doorasho qof iyo cod ah iyo xisbiyo badan, waxaanna aaminsannahay in ay tahay dariiqa kaliya ee dadka Soomaaliyeed ay ku heli karaan xuquuqdooda kuna gudan karaan waajibaadkooda siyaasiga ah kuna dooran karaan dadka matela, taas oo xoojinaysa dowladnimada iyo dimoqraadiyadda, balse aan u cadeyneyno dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
- In Golaha wadatashiga Qaran oo aysan u dhammayn madaxda maamullada dalka ay soo saaraan go’aanno siyaasadeed oo taabanaya masiirka dalka, ay khatar gelin karto midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed. Sidaas darteed waxaan ku baaqaynaa in go’aanada massiriga ah ee dalka laga qayb geliyodhammaan dowlad gobaleedyada iyo qaybaha kala duwan ee bulshadaSoomaaliyeed.
- In qaar ka mid ah qodobbada ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) ay yihiin kuwa baal-marsan shuruucda dalka u yaalla iyo awood qeybsiga siyaasadeed ee dadka Soomaaliyeed hore ugu heshiiyeen, sidaas daraadeed waxaan soo jeedinaynaa in wax ka beddelka qodabada dastuuriga ah ee dalka ay shaqadooodu kasoo billowdaan hay’adaha u astaysan lagana tala geliyo bulshawaynta Soomaaliyeed.
- In iyadoo aan si qotodheer looga baaraandegin wax kabaddel siyaasadeed lagu sameeyo habka awood qeybsiga iyo hannaanka Dowladnimada dalka, lagana qayb gelin dhammaan qaybaha bulshada waxa ay keeni kartaa dib u dhac, kalsooni darro iyo tafaraaruq bulsho.
- Muddada xilhaynta madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyadu waxa ay ku astaysan tahay dastuurka dowladda federaalka iyo dastuuradda dowlad gobaleedyada, sidaas daraadeed waxaan ku baaqaynaa in laga fogaado mudo kordhin heer federaal iyo heer dowlad gobaleed.
- In urrurada siyaasadeed ee dalka lagu jaangooyo laba xisbi oo kaliya waxa ay muujinaysaa in dadka Soomaaliyeed aanay fursad u helin rabitaankooda siyaasadeed lana doonayo in awoodda lagu soo koobo koox yar.
BAAQ
1- waxaan ugu baaqaynaa baarlamaanka JFS labadiisa aqal in ay ay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah ayna dalka ka badbaadiyaan damac kasta oo aan u adeegayn danta guud iyo geeddisocodka dowlad dhiska dalka.
2- In marka hore Dowladdu ay mudnaanta siiso dagaalka Al Shabaab, tallaaba walba oo siyaasadeed oo culeys ku keeni kartana laga fogaado, laguna dadaalo sidii dowladnimada loo gaarsiin lahaa dhulka Shabaabka laga xoreeyay.
Ugu danbayn waxaan ugu baaqaynaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay u kuurgalaan qataraha ka imaan kara go’aamada kasoo baxay GWQ oo baalmarsan dastuurka dowladda federaalka iyo dastuuradda dowladgobaleedyada dalka.