Thursday, June 26, 2025

Madax Soomaali ah oo ka qeybgaleysa ciyaarta kama danbeysta ah ee xulka Somalia & Tanzania [Akhriso]

Dowladda Soomaaliya ayaa wafdi u direysa maanta ka qeybgalka ciyaarta kama danbeysta ah ee  ka dhacaysa Dalka Burundi, taasoo u dhaxeysa xulalka da’da yar ee Soomaaliya iyo Tanzania.

Wafdiga dowldda waxaa hoggaaminaya Ra’iisal wasaare ku xigeenka Dalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, isagoo dalkaasi u tegaya sidii loo dhiiri gelin lahaa Xulka da’yarta Soomaaliyeed ee ka yar 17 sano jirka oou tartamaya koobka CECAFA.

Ciyaartaan oo galabta ka dhaceysa Garoonka Ngozi Stadium ee dalka Burundi, una dhaxeysa Soomaaliya iyo Tanzani ayaa ciyaartaas waxaa kaloo hore halkaasi u gaaray Guddoomihii hore ee gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed, iyo madax kale oo xulka dhiirigelin doonta.

Waa markii ugu horeysay ee Soomaaliya ay soo gaartay ciyaar kama danbeys fiinal ah, waxayna arrintan taageero weyn kasoo jiidatay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON