Thursday, June 26, 2025

Madaxa Shirkadda DP World oo jawaab culus oo yaab leh u soo diray Dowladda Soomaaliya [Akhriso]

Agaasimaha Guud ee Shirkadda DP World Suldaan Ahmed Bin Suleymaan si kulul ugu jawaabay dowladda Soomaaliya oo ka horjeesatay heshiiska shirkadiisa iyo Itoobiya ay kula wareegeen maamulka dekadda Berbera 70%.

Isagoo ka halday Telefishanka Dubai ayuu sheegay in Heshiiska ay gaeen aanu waxba ka quseynin dowladda Dhexe ee Soomaaliya, isla markaana uu yahay mid u dhaxeeya Somaliland, Itoobiya, iyo Shirkadda DP World.

“Nama quseeyo hadalka dowladda Federaalka Soomaaliya, Somaliland waa dowlad madax banaan oo xasilooni iyo dimoqraadiyad ka jirto, mashruuceena wuxuu helay ogolaanshaha baarlamanka Somaliland, ma awoodi karto inay xukuumadda Federaalka wax bedesho…” ayuu yiri Agaasimaha DP World oo si qayaxan oo u hadlay.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa heshiiska ku tilmaamay mid sharci darro ah, isla markaana aanay dowladda Federaalka waxba ka ogeyn, qeybna ka ahayn.

Madaxa Shirkadda Imaaraadka ee Dubai DP World Sultan Axmed Bin Salim ayaa hore  waxaa looga soo xigtay hadal hadal hanjabad iyo meel ka dhac ah oo ka dhan ah dowladda Jabuuti iyo shacabkeeda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON