Madaxda Reer Yurub iyo Mareykanka oo ay wehliyaan Shirkadaha caalamiga ah ee dunida ayaa qaadacay ka qey bgalka Shir uu qabanqaabiyey dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo ku saabsan maalgashiga, kasoo lagu waday in 23-25-ka October lagu qabto dalka Saudi Arabia.
Wasiirada maaliyadda Mareykanka, Faransiiska, Ingiriiska, Jarmalka iyo Holland ayaa shaaciyey inay ka baaqsadeen shirkaasi, waxaana sidoo kale shirka ka baxay madaxda hay’adaha waaweyn ee dunida iyo warbaahinta caalamiga ah ee Mareykanka.
Madaxa hay’adda lacagta adduunka ee IMF Christine Lagarde oo ahayd mas’uulkii ugu danbeeyay ee ka caga-jiidayey arrintan ayaa shaacisay inaysan qeyb galeymnin shirka, sida uu sheegay afhayeenka IMF.
Shirkan oo ay soo abaabushay hay’adda Sanduuq Maalgelinta Guud ee Sacuudiga ayaa waxaa qorshuhu yahay in lagu muujiyo isbeddelada dhaqaale ee uu wado dhaxal-suge Maxamed Bin Salman oo hadda lagu eedeynayo inuu ka danbeeyay dilka Saxafiga Jamaal Kashoqgi oo lagu waayey Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.
Shirkan oo lala mid dhigay shirka Dhaqaalaha dunida ee lagu qabto magaalada DAVOS ayaa jahawareer xoo gleh galay, kadib markii la waayey suxufiga sacuudiga ee Jamal Khashoggi, oo ahaa nin dhaliila boqortooyada, kaasoo loo heyso in lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga.
Website-ka shirka oo markii hore ay ka muuqdeen liiska dadka ka hadli doona shirka, ayaa hadda laga saaray liiskaas, xilli ay sii kordhayaan dadka shirka qaadacaya. iyadoo laga cabsi qabo in shirkaasi gebi ahaan uu baaqo ama macne la’aan isu bedelo.
Waxaa xaaladda uga sii daray markii Faransiiska, Jarmalka, Ingiriiska iyo Holland ay shaaciyeen inay hakiyeen safarradii siyaasadeed ee mas’uuliyiinta dalalkaasi ku tegayaan dalka Sacuudiga inta uu caddeyn ka bixinayo halka uu ku danbeeyay saxafiga.