Friday, June 27, 2025

Madaxda Dalalka Turkiga, Ruuska iyo Iiraan oo shir xasaasi ah uga furmay Magaalada Tehraan

Shir saddex geesoood ah oo looga arrinsanayo collaadda Suuriya ayaa ka furmay maanta magaalada Tehraan ee  dalka Iiraan.

Saddexda hoggamiye ee dalka Ruushka, Turkiga iyo Iiraan ayaa kulankooda uyga hadlaya xaaladda dalka Suuriya, dagaal laga cabsi qabo inay dowladda Suuriya ku qaado magaalada ugu danbeysa ee mucaaradku heystaa Idlib iyo iskaadhiga ka dhaxeeya saddexdan dal.

Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdowa ayaa wada qorshe xal loogu helayo inuusan dagaal ka dhicin magaalada Idlib, wuxuuna u soo bandhigi doonaan madaxweynayaasha dallaka Iiraan iyo Ruushka.

Turkiga ayaa sii xoojiyay walaaca ay muujiyeenhay’adaha Qaramada Midoobay ee ah in dagaal dhanka dhulka ah oo lagu qaado magaalada Idlib ee ay gacanta ku hayaan Jabhaduhu in ay keeni karto qaxooti cusub oo badan oo ka soo tallaaba xadka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON