Wednesday, July 2, 2025

Madaxda Dowladda Federaalka oo looga digay inay tagaan Kismaayo (Akhriso Mooshin Cusub)

Xildhibaanno kasoo jeeda Gobolada Jubbooyinka ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen Muqdisho ku shaaciyay inay mooshin ka gudbiyeen maamulka Jubbooyinka, iyagoo sheegay inuu maamulkaasi jebiyay qodobo sharci ah oo Dastuurka ka mida iyo heshiiskii Addis ababa ee dowladda Federaalka iyo Maamulka Axmed Madoobe saxiixdeen.

jesow-madobe

[ad name=”HTML-1″]

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo xildhibaanadaasi u hadlay ayaa sheegay inay MOOSHINKA laga qoray maamulka Jubba ay gaarsiiyeen guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) kana guddoomay mooshinkaasi, wuxuuna intaasi ku daray in maamulka Jubba uu jebiyay qodobadda 46-aad, 49-aad iyo 50-aad ee Dastuurka KMG ah, isla markaana dhowri waayay heshiiskii Addis ababa ee dowladda iyo maamulka Axmed Madoobe.

Ugu danbeyn Xildhibaan Daahir Jeesow wuxuu digniin u diray madaxda dowladda Federaalka inay tagaan magaalada Kismaayo  inta uu mooshinkaasi ka yaalo maamulka Jubba, isagoo ka hor yimid in madaxda dowladda sida Madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha ama wasiirada ay tagaan Kismaayo.

Mooshinkan ayaa ku soo beegmay iyadoo maalinta beri ah magaalada Kismaayo lagu caleemo saarayo baarlamaanka maamulka Jubba ee dhowaan la doortay iyadoo madax kala duwan lagu casuumay ay tegayaan Kismaayo.

HOOS KA AKHRISO MOOSHINKA IYO XILDHIBAANADDA SAXIIXAY

001

002

003

 

 

Goobjooge.com

 

[ad name=”HTML”]

 

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON