Saturday, July 12, 2025

Madaxda Dowladda Imaaraadka oo Dhambaalo Tacsi u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya

Madaxda Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa tacsi wadajir ah u soo diray dowladda Soomaaliya, iyagoo uga tacsiyadeeyay geeridii wasiirkii howlaha guud ee Soomaaliya Cabbaas C/llaahi Siraaji.

Madaxweynaha Dowladda Imaaraadka Sheekh Khaliifa Bin Zayid Ala-nahyaan ayaa tacsi u diray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo isagoo uga tacsiyadeeday geeridii ku timid wasiir Cabbaas oo ku dhintay is rasaaseyn ka  dhacday Muqdisho.

Waxaa kaloo tacsi taa la mida u soo diray madaxweynaha Soomaaliya madaxweyne ku xigeenka dowlada Imaaraadka, ahna Ra’iisal wasaaraha dalkaasi iyo xaakimka Dubai Sheekh Maxamed Bin Raashid Aala-Maktuum.

Sida ay sheegtay wakaalada wararka Imaaraadka waxaa kaloo madaxweyne Farmaajo tacsi soo gaarsiiyay Ninka leh dhaxalka Abu Dhabi iyo ku xigeenka taliyaha ciidamada Imaaraadka Sheekh Maxamed Bin Zayid Aala-nahyaan.

 

Saddexda mas’uul ee ugu sareysa dowladda Imaaraadka ayaa dhambaalo tacsiyadeed soo gaaarsiiyay madaxweynaha Soomaaliya.
Goobjoooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON