Thursday, June 26, 2025

Madaxda Galmudugta cusub oo kulan la yeeshay xildhibaanno iy siyaasiyiin kasoo jeeda maamulkaasi [Sawirro]

Madaxda Maamulka cusub ee Galmudug oo ka kooban Galmudug iyo Ahlu suna ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay siyaasiyiin, xildhibaanno iyo waxgarad kasoo jeeda degaanada Galmudug.

Waxaa kulanka ka qeyb galay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, Ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi, Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir, Madaxweynihii hore ee Ahlusunna haddana ah Wasiirka Koowaad Ee Dowlad Gobolleedka Galmudug Sheekh Axmed Shaakir iyo Guddoomiye Kuxigeenada Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa soo afjaridda khilaafkii ka taagnaa maamulladii iska horjeeda ee Galmudug, waxaana khudbado bogaadin iyo soo dhoweyn ah ka jeediyay mas’uuliyiin kala duwan.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo hadal ka jeediyay Munaasabadda ayaa Xusay in Galmudug hadda ay ka heshiisay Khilaafkii mudooyinkii dambe ka dhex jiray, waxaana uu tilmaamay in Galmudug sidoo kale ay la midowday Walaalahood Ahlusunna Waljamaaca.

Wasiirka Koowaad Ee Dowlad Gobolleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka hadlay Kulanka ayaa sheegay in Midnimadda Shacabka Gobollada Dhexe ku nool ay tahay wax Wanaagsan,wuxuuna Xusay in hadda loo baahan yahay in Al-shabaab laga saaro Degaanada ay Maamulaan oo Awoodda la isugu geeyo.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON