Monday, June 23, 2025

Madaxda Jabhadda ONLF iyo Itoobiya oo heshiis is-afgarad ah ku gaaray Magaalada Asmara, Ertirea [Sawirro]

Waxaa magaalada Asmara wadahadal ku yeeshay madaxda Jabhadda ONLF iyo Wafdi ka socday dowladda Itoobiya, iyadoo heshiis hordhac ah lagu gaaray halkaasi.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay xaaladda isbedelka ka dhacay dalka Itoobiya iyo sidii ONLF ay sharci ahaan u noqon lahayd xisbi aan hubeysneyn oo siyaasadeed, iyadoo ay wadahadalka dhinaca Itoobiya u metelayeen madaxweynaha Somali State Mustafe Cagjar, guddoomiyahg Xisbiga Dimoqraadiga Itoobiya Axmed Shidde, waxaana la filayaa in xubno ka socday dowladda Itoobiya ay gaaraan halkaasi, iyadoo markaas kadib la saxiixi doono heshiis buuxa.

Dhinaca ONLF waxaa hoggaaminayey Guddoomiyaha ururka Admiral Maxamed Cumar Cusmaan iyo mas’uuliyiinta kale ee ururkaasi, iyadoo heshiiska labada dhinac ay gaareen xiiligan uu yahay is-afgarad hordhac ah si madaxda ONLF ay dib ug noqdaan dalkooda.

Ad

“Maanta waxaan booqasho rasmi ah ku tagney Magaalada Asmara ee Dalka Eriteria, Waxaanu kula kulanay Madaxda ugu sare ee Ururkana JWXO ONLF, waxaan ka Wada hadalney Taariikhda Halgankii dheeraa & ku guriyo noqoshada Dalka gaar ahaan Deegaanka Soomaali Galbeed…” ayuu yiri Madaxweynaha Somali State Mustafe Cagjar oo ka hadlay kulanka ka dhacay Asmara.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON