Kulanka Aqalka sare ee Baarlamaanka waxaa maanta tegay madaxweynayaasha maamul Goboleedyada ku sugnaa magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Jubbland Axmed Madoobe ayaa ugu horeeyay madaxda lagu soo dhoweeyay xarunta Aqalka Sare, iyadoo ay kadib halkaasi gaareen madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Galmudug Maxamed Cabdi Waare iyo Axmed Ducaale Geelle.
Waxaa kaloo la filaya inay ku biiraan madaxweynayaasha Puntland iyo Koonfur Galbeed, waxaana kulanka u badan yahay is wareysi iyo khudbado xilli Aqalka sare aanu heynin shaqadii loo dhisay.
Heshiiskii dowlada Federaalka iyo maamul Goboleedyada ayaa waxaa ka mid ahaa qodob ku saabsan in Aqalka sare la howlgeliyo si shaqooyinkiisa uu uga soo baxo.
Goobjooge