Madaxda maamul Goboleedyada isugu tegay magaalada Garowe ee maamullada Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo K/Galbeed ayaa war- degdeg ah soo saaray Caawa.War-saxaafadeedka oo shirka madaxdaasi kasoo hormaray ayaa looga hadlay, laguna sheegay in kulan hordhac ah ay yeesheen madaxdaasi ayaa lagu cambaareeyay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Cadaado oo la sheegay inay ka dambeyso koox fidno wadayaal ah oo dhaqaale ka helaya dowladda dhexe.
Warka Golaha iskaashiga maamul Goboleedyada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha maamul Goboleedka Galmudug ee rasmiga ah u yahay Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waxayna sheegeen in dadaalkii Aqalka Sare ee waanwaanta ahaa uu fashilmay, iyagoo u faragelin ka codsaday beesha caalamka.
AKHRISO WA-MURTIYEEDKA