Duqa magaalad Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) iyo dhiggiisa Magaalada Dooxa ee Dalka Qadar Jamal Madar ayaa heshiis lagu mattaaneynayo labada magaalo ku kala saxiixday Magaalada Dooxa.
Heshiiska aya ka kooban 10 qodob oo ay labada magaalo iska kaashan doonaan, sida dib u dhiska magaalada, is-dhaafsiga aqoonta & xirfadaha, horumarinta adeegyada bulshada ee Caafimaadka, nadaafadda iyo dhiraynta magaalooyinka, waxayna mas’uuliyiinta labada magaalo kormeer ku tegi doonaan labada caasimadodo.
Guddoomiyaha Gobolka banaadir oo ka mid ahaa wafdigii Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ee ka qeyb galay shirka Madasha Doha ayey tahay markii ugu horeysay ee heshiis noocan ah uu galo.



