Madaxda Siyaasadda ee Beesha Mareexaan ee uu kasoo jeedo Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka hor yimid qaabka loo dhisay Xukuumadda Federaalka ee Ra’iisal wasaare Xamza Cabdi Barre.
Qoraal ay si wadajir aha u soo saareen Madaxweyne ku xigeenada Jubbaland Maxamuud Seyid Aadan iyo Galmudug Cali Daahir Ciid ayey ku caddeeyen in lagu xadgudbay awood qeybsiga beelaha Daarood, waxayna sheegeen in talaabo arrintaasi ka dhan ah ay qaadi doonaan.
Waxay ku baaqeen shir ay isugu yimaadaan siyaasiyiinta beesha si ay go’aan uga gaaraan arrinta dhismaha xukuumadda cusub ee federaalka, waxaana arrintan ay tahay diidmadii ugu weyneyd ee ilaa iminka ka hor timaado Golaha Wasiirada cusub ee uu soo dhisay Ra’iisal wasaare Xamza Cabdi Barre.
