Friday, July 11, 2025

Madaxda Jubbaland oo isku khilaafay taageerada Xukuumadda cusub ee Ra’iisal wasaare Xamza

Madaxda Maamulka Jubbaland ayaai sku khilaafay taageerada xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisal wasaare Xamza Cabdi Barre, kadib go’aano is khilaafsan oo kasoo baxay labada madaxweyne ku xigeen ee maamulkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hor yimid qaab dhismeedka xukuumadda cusub, isagoo u hadlay Beesha uu kasoo jeedo ee Mareexaan, waxaana qoraal ay wadajir u soo saareen Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ay ku sheegeen in lagu xadgudbay awood qeybsiga beesha Daarood (Halkan ka Akhriso) .

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland C/qaadir Xaaji Maxamud Luga-dheere oo ku hadlaya Magaca maamulka Jubbaland iyo kan Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa shaaciyay in Jubbaland ay taageersan tahay xukuumadda cusub ee Ra’iisal wasaare Xamsa Cabdi ayna ku baaqeyso in la ansixiyo.

Khilaafka Maamulka Jubbaland ayaa yimid iyadoo muddooyinkii ugu danbeeyay aanu wanaagsaneyn xiriirka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo ku-xigeenkiisa koowaad Maxamud Sayid Aadan.

Diidmada Siyaasiiinta Beesha Mareexaan ee qaab dhismeedka xukuumadda cusub ayaa salka ku haya tayada Wasaaradaha la siiyay oo ay sheegeen inay yihiin wasaarado aan ahayn kuwo muhiim ‘A’ ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON