Monday, June 5, 2023

Faahfaahin: Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay duleedka Beledweyne iyo Wararkii ugu danbeeyay

Qarax is-miidaamin ahaa ka dhacay degaanka Kala-beyr ee duleedka magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, halkaaso ay ku taallo xero ciidan.

Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarax, laguna beegsaday ciidamada Milatariga oo saldhig ku leh degaanka Kalabeyr, halkaasoo ay degan yihiin ciidamada Itoobiya ee ka howlgala Gobolka Hiiraan.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in qaraxa uu dhaliyey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac leh, iyadoo qaraxa kadib ay dhacday rasaas xoog leh oo ay fureen ciidamada saldhigga Kalabeyr.

Ad

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay degaanka Kala-beyr, iyadoo ku beegsatay ciidamo ay sheegtay in loo abaabulayey dagaalka Alshabaab. Afhayeenka Alshabaab ayaa sheega in Is-miidaamiye ka tirsan kooxda uu beegsaday ciidamada dowladda ayna qaraxa ku dileen 19 askari, halka dhaawucu yaha 23 kale.

Taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in Gaariga qaraxa waday rasas lagu furay, balse markii uu qarxay uu geystay qaaare dhimasho iyo dhaawac. Takar Subagle oo ahaa taliyaha horinta 3-aad, ururka koowaad ee Gorgor ayaa la xaiijiyey inuu ka mid ahaa askartii ku geeriyootay qaraxa.

Deegaanka Kalabeyr ayaa ah isgoys muhiim u ah isu socodka Gobollada Dhexe, waxaana soo galaya wadooyin dhow ah oo u kala baxa dhinaca Itoobiya, gobolada Dhexe iyo caasimadda Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,967FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,967FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!