Saturday, August 13, 2022

Warbixin: Moojo Bajaaj siday Hub iyo Bambooyin oo qaraxday iyo Is-miidaamiye ku dhintay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo ka dhacay magaalada Mqudisho oo isugu jiray Mooto Bajaaj qaraxday iyo Miinooyin ay ciidamada Amniga qarxiyeen.

Mooto bajaaj la sheegay in lagu soo raray Hub iyo waxyaabaha qarxa ayaa ku qaraxday degmada Hodon, gaar ahaan wadadda Taleex, waxaana sidoo kale goobta Mootadu ku qaraxday laga helay Miinooyin ay markii danbe qarxiyeen ciidamada Amniga.

Taliska Booliska ayaa sheegay in Mootada ay qaraxday iyadoo ay la socdeen koox dabley ah oo wadatay Qaraxyo, waxaa dhaawacmay Darawalka, iyadoo gubteen raggii is-midaamiyeyaasha ahaa ee saarnaa Mootada.

Ad

Taliye ku-xigeenka Booliska G/Banaadir wuxuu sheegay inuu dhintay nin Is-qarxiye ahaa, qaar kalena ay gubteen, qofna uu ku dhaawacmay oo ahaa Darwalka, isla markaana Bambooyin aan qarxin ay burburiyeen ciidamada Booliska.

Dadka ku dhintay qaraxa Mootada ayuu Boolisku sheegan inaan la xaqiijin, balse ay dhowr qof ku gubteen, lagana qabtay Hubkii ay qabteen oo ah 4 Qori.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,012FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,012FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON