Maxakmadda gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqday natiijada Xukunka 12 Eedaysane oo ka tirsanaa mas’uuliyiinta Haya’adda Socdaalka & Jinsiyadaha, Wasaaradda Maaliyadda iyo Banka Dhexe.
Maxkamada ayaa wax dambiyadii lagu soo eedeeysay ku weyday mas’uuliyiinta kala ah:
1- Maxamed Aadan Jimcaale Koofi Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda
2- Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda
3- Muxiyadiin Xasan Jurus (Muxiyadiin Saabey) Agaasimihii Canshuurta Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda
4- Cabdalla Maxamed Axmed ka tirsanaa Haya’adda socdaalka
5- Cusmaan Xasan Cosoble ka tirsan Haya’adda socdaalka
6- Cabdikaafi Xasan Maxamed kana tirsanaa Haya’adda Socdaalka
7- Jacfar Maxamed Axmed kana tirsan wasaaradda Maaliyadda
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Dembi ah ku wayday mas’uuliyiintan waxayna hay’adihii ay ka tirsanaayeen amartay in dib loogu fasaxo xuquuqihii laga xayiray intii ay socotay dacwadda.
Maxkamaddu waxay sidoo kale xukuno kala duwan ku riday Eedaysanayaasha kala ah:
1- Maxamed Ibraahim Axmed ka tirsan Haya’adda Socdaalka waxay maxkamadu ku xukuntay 4 sano oo xarig ah.
2- Cabdiraxmaan Maxamed Cali( Caadle) kana tirsan haya’adda Socdaalka iyo jinsiyaddaha 4 sanno oo xarig ah iyo in aanu qaban karin wax xil dowladeed ah si joogto ah.
3- Abuukar Xasan Aadan ka tirsan Haya’adda Socdaalka iyo jinsiyaddaha waxay Maxkamadu ku xukuntay 4 Sanno oo xarig ah
4- Maxamed Xuseen Nageeye kana tirsan Haya’adda Socdaalka iyo jinsiyaddaha waxay maxkamaddu ku xukuntay 2 sanno oo xrhig ah.
5- Cabdullaahi Daahir Weheliye kana tirsan Banka dhexe ku xukuntay 3 sanno oo xarig ah iyo in aanu qaban karin xil dowladeed si joogto ah.