Wednesday, June 25, 2025

Madaxdii hore ee Puntland oo 4 Qodob kasoo saaray Xaaladda Bosaso iyo Isimo waanwaan bilaabay (Akhriso)

Waxaa socda dadaallo nabdeed oo xal loogu raadinayo xiisadda ka taagan magaalada Boosaaso oo dhalisay dagaal muddo laba maalmood ah socday oo qasaare dhaliyay.

Isimada Puntland ayaa waanwaan ka bilaabay magaalada Boosaaso, iyagoo kulamo kala gaara la yeeshay dhinacyada maamulka Puntland iyo Saraakiisha Ciidamada PSF, waxayna isimadu ka dalbadeen labada dhinac inay ciidamada kala durjiyaan si aanu dagaalku usoo noqon.

Dhinaca kale madaxdii hore ee Puntland oo ay ka mid yihiin: C/raxmaan Faroole, Cumar C/rashiid, C/weli Gaas iyo mas’uuliyiin kale ayaa magaalada Nairobi kasoo saaray baaq mnabadeed

AKHRISO BAAQA NABADEED

Waxaan ka tacsiyadeyneynaa khasaarihii naf iyo maal-lahaa ee ka dhashey dagaalkii ayaandarada ahaa ee ka dhacay magaalada Bosaso 21-22 December. Wuxuu ahaa dagaal dhaawacay niyadda guud ahaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaanna dadka reer Puntland oo nabadda iyo wada-noolaashaha astaan u ahaa.

Annagoo qaadaneyna waajibka odaynimo iyo mas’Uuliyadeed ee naga saaran ilaalinta iyo joogteynta nabadda dalka ayaan waxaan isugu-nimid shir deg deg ah oo aan uga tashanay talaabada nagaga aadan xallinta dhacdadaan nasiib darrada ah ee ka taagan magaalada Boosaaso. Kadib markii aan la tashanay dhinacyada ay khuseyso arrintu waxaan soo saarnay baaqaan.

1. Waxaan taageeraynaa go’aanka dowladda Puntland ee ah xabad-joojinta, si fursad loo siiyo wadahadalada socda.

2- Si loo xoojiyo wadahadalada nabadeed ee ay ku baaqeen waxgaradka waa in dhammaan la joojiyo dhaqdhaqaaq-yada ciidamada ee jira.

3- Waa in la ilaaliyo dowladnimada, xasiloonida, nabadgalyada iyo midnimada shacabka Puntland.

4- Waxaan sii wadi doonnaa wadahadalka aan la leenahay dhinacayada ay khuseyso arinkaan si xal-waara looga gaara khilaafka taagan.

5. Ugu danbayn waxaan diyaar u nahay in aan tagno Puntland si aan uga qayb qaadano xal u helidda iyo joojinta iska hor-imaadkan hubaysan si aysan xabadd dambe magaalada u dhicin.

Cumar Cabdirashid Cali Sharmaake
Sen. Cabdiraxman Maxamed Maxamud Farole
Cabdiweli Maxamad Cali-Gaas
General Saacid Daahir Siciid
Cabdikhadar Faarax Shaaciye
Cabdiqani Faarax Dhaashane

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON