Tuesday, June 24, 2025

Madaxdii is-khilaafsaneyd ee Galmudug oo kulan la isugu keenay Caawa & Wararkii ugu danbeeyay

Wararkii ugu dambeeyey ee Caawa laga helayo  Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in kulamo is daba jooga oo la isaga dab qaadayay madaxda maamulka Galmudug laga gaaray horumar.

Xildhibaannada labada aqal ee tagay magaalada Cadaado ayaa kulamo ay la kala yeesheen labada dhinac ee is haya, kadib waxay caawa kulan muddo qaatay isugu keeneen madaxda is khilaafsaneyd ee maamulka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in wejiga koowaad is-faham laga gaaray, iyadoo la isu soo dhoweeyay madaxweynaha Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo dhinac ah iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir iyo madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi Cabdi oo dhinac kale ah.

Qorshe la doonayay in war-saxaafadeed lagu soo saaro caawa looga hadlayo is afgaradka laga gaaray khilaafka madaxda Galmudug ayaa dib loo dhigay kadib markii loo yeeray saxafiyiinta, waxaana la sheegay in xildhibaanno ku sugan magaalada Muqdisho loogu baahday inay goobjoog ahaadaan, taasoo ay dalbadeen dhinaca guddoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxweyne ku xigeenka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON