Iyadoo xilliga doorashada dhaceyso aysan caddeyn oo la filayo inuu dib u dhac ku yimaado ayaa waxaa horeba olole doorasho bilaabay labadii Musharax ee ugu horeeyay kuwaasoo noqday xubno madax ka ahaan jiray ururo samafal NGO oo doonaya inay talada dalka qabtaan.
Dhageyso Iidhehda musharax C/naasir
Dhageyso Iidhehda musharax Jibriil
C/naasir Cabdulle Maxamed: waa musharixii ugu horeeyay ee iidheh looga sameeyo warbaahinta gudaha, waxayna dadka Muqdisho har iyo habeen magaciisa ka maqlaan idaacadaha Muqdisho. Ka sokow inuu yahay musharax madaxweyne oo u tartamaya xilka wuxuu ururkiisii GURMAD ku galay ololaha isagoo sheegay inay u istaagtay inay xilka qabato.
Jibriil Ibraahim Cabdulle: waa musharixii labaad ee iidheh iyo olole doorasho ka bilaaba warbaahinta Muqdisho, isagoo guddoomiye u ahaa hay’adda CRD; laakiin wuxuu ololihiisu uga duwan yahay musharixii ugu horeeyay wuxuu ka gaabsanayaa weli inuu ku dhawaaqo inuu yahay musharax madaxweyne.
Kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh uu siyaasadda kasoo galay dhinaca bulshada rayidka ah ayaa keentay inay dhiirigeliso saaxiibada ururada bulshada kasoo jeeda inay kursiga Villa Somalia soo raadiyaan oo weliba uga dheereeyaan siyaasiyiintii caadiga ahayd.
Ujeedka loo doonayo madaxtinimada Soomaaliya ayaa isu bedelay goob laga xooleyso oo hadba ninkii kursiga taga uu ku takri falo hantida umada iyo deeqda dibadda laga helo, taasoo noqotay arrinta ugu weyn ee riixeysa musharixiinta jagada madaxweynaha Soomaaliya oo sanadkan lagu wado inay ka bataan kotomeeyo.
Goobjooge.com