Thursday, June 26, 2025

Madaxtooyada oo War kasoo saartay Kulankii Madaxweyne Farmajo iyo Wakiilada Beesha Caalamka (Sawirro)

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war kasoo saartay kulan maanta dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wakiilada Beesha Caalamka loo looga hadlay arrimaha Doorashada dalka iyo caqabadaha hortaagan.

War-saxaafadeedka Madaxtooyada ayaan faahfaahin badan ka bixin doodii shirka iyo arrimaha hortaagan doorashada, iyadoo aan lagu soo qaadin haddii uu qabsoomayo shirkii ay ku baaqday Beesha caalamka ee madaxda dowlad Goboleedyada iyo dowladda Federaalka.

Qoraalka madaxtooyada ee shirka ayaa u qornaa sida soo socota:

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Danjireyaasha iyo Wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho ayaa la wadaagay sida ay uga go’an tahay dowladda qabsoomidda doorasho daahfuran, iyada oo la raacayo Heshiiskii 17-kii sibteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey horumarka laga gaaray hannaanka hirgelinta doorashada oo ay ugu horreysay heshiiskii siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada. “Tanaasul badan ayaan ka sameynay hannaanka hirgelinta doorashada, waana arrin mudan dhiirrigelin iyo xoojin, si looga miro dhaliyo hadafka guud ee qabsoomidda doorasho waafaqsan shuruucda dalka, kana tarjumeysa hor –u-socodka dowladnimadeenna.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyey dadaallada Xukumadda ee ku aaddan xaqiijinta qabsoomidda doorashada, isaga oo adkeeyey in la sii amba-qaadayo qorsheyaasha lagu hirgelinayo doorashada.

Dhankooda, Wakiillada Beesha Caalamka ayaa bogaadiyey tallaabooyinka loo qaaday hergelinta hannaanka doorashada,waxa ayna tilmaameen in ay ku garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed dadaallada ay ku bixinayaan qabsoomidda doorasho loo dhan yahay.

Image may contain: 1 person, sitting, table and indoor
Image may contain: one or more people
Image may contain: 1 person, sitting, table and indoor
Image may contain: 1 person
Image may contain: one or more people

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON