Maamul Goboleedka Puntland ayaa war-saxaafadeed layaab leh kasoo saartay xaaladda magaalada Gaalkacyo, iyadoo ku eedeysay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo garab siinayaan Galmudug oo weerar ku qaadeen qeybta magaalada ee Puntland.
War-saxaafadeedka kasoo baxay Madaxtooyad Puntland ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay hub iyo rasaas fara badan geystay magaalada Cadaado, iyadoo dagaalka ka socda Gaalkacyo ku sheegtay mid lagu doonayo in lagu carqaladeeyo ammaanka Gobolka iyo Doorashooyinka 20916.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii ay Puntland ku eedeysay in Galmudug iyo Alshabaab ay weerar ku soo qaadeen Gaalkacyo, isla markaana ay isbaheysi leeyihiin, waxaana war-saxaafadeedka Puntland ee maanta loo arkaa mid jahawareersan.
HOOS KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA PUNTLAND