Monday, July 14, 2025

Madaxtooyada Somalia oo beenisay in hubkii lagu weeraray Dusit Hotel, Nairobi ay lahay dowladda Somalia

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa beenisay in hubkii lagu weerarray hotelka Dusit ee magaalada Nairobi ay lahayd dowladda Soomaaliya.

La-taliyaha dhinaca amniga madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Siciid Maxamed Cali ayaa sheegay inay la xiriireen dowladda Kenya, ayna u caddeysay inay jirin xog ku saabsan hubka lagu weerarray magaalada Nairobi inuu ahaa hub ay lahayd dowladda Soomaaliya.

Sida ay qortay jariirada Daily Nation ee magaalada Nairobi, saddex qori oo ka mida hubkii ay wateen dableydii Alshabaab ee weerarka ku qaaday dhismaha Dusit D2 hotel ee magaalada Nairobi ayaa qoraaladooda tixraaca ay ku qornaayeen ‘SO’ oo ah caalamadda hubka dowladda Soomaaliya.

La-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku dooday in wararka laga qoray arrintan ay mala-awaal yihiin, wuxuuna sheegay in Alshabaab ay ka jirto dalka Kenya, meelo badanna ka heli karto hubka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON