Iyadoo Madaxweynaha dalka Eritrea Isais Afwerki saacadaha soo socda ku soo jeedo magaalada Muqdisho oo diyaar garow weyn ka socdo caasimadda Soomaaliya ayaa waxa socdaalkiisa war kasoo saaray Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxtooyada ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay saaka in madaxweynaha Eritrea uu booqasho rasmi ah ku imaan doono Soomaaliya isagoo ka jawaabaya casuumaad uu u fidiyey madaxweynaha Soomaaliya, si loo sii xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, waxayna labada hoggaamiye yeelam doonaan wadahadal ku saabsan danaha labada dal.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmajo ayaa dhowr jeer booqasho ku tegay dalka Eritrea, kadib markii ay Itoobiya la heshiisay Eritrea, waxaana heshiis saddex geesood ah dhex maray madaxda Itoobiya Soomaaliya iyo Eritrea, kaasoo ah shaki weyn ka muujiyeen qaar ka mida xilldhibaannada Baarlamaanka.