Madaxtooyada Somalia ayaa war kasoo saartay safarka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ku tagen Dalka Masar.
Safarka ayaa la sheegay inuu ku saabsan yahay sidii uu ga qeyb-geli lahaa Shir Madaxeedka dalalka Carabta iyo Midowga Yurub oo berri ka furmaya magaalada Sharma El-Sheikh.
Shirkan ayaa looga hadlayaa xoojinta iskaashiga u dhexeeya dalalka Carabta iyo Yurub, xallinta caqabadaha waddamada caalamka horyaalla sida tahriibka, iyo sidii wax looga qaban lahaa xasilooni darrada ka jirta qaar kamid ah dalalka Carabta.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale shir-doceedyo la yeelan doona madaxda ka soo qayb-gelaysa shirka isaga oo kala hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Carabta iyo Yurub.
Safarrada Madaxweynaha ee dibadda oo is daba joog noqday ayaa maalmo ka hor ka yimid dalalka Burundi iyo Jabuuti, waxaana socdaalkiisa ku weheliya Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad iyo xubno kale.