Madaxtooyada Soomaaliya, wasaaradda Warfaafinta iyo kooxda madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Warfaafinta ayay ku qaadatay inay war ka sameeyaan oo ay saxaafadda u qeybiyaan khudbadii Madaxweyne Xasan Sheekh ka jeediyay xafladii xalay ka dhacday xarunta Gobolka Banaadir ee loogu magac daray: “DALKAAGA DHISO”.
Madaxweynaha ayaa xafladaasi ka sheegay inay socdaan howlgal ay wadaan ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa saaxiibada la ah oo lagu beegsanayo Alshabaab, waxaana barta twitter-ka ee Villa Somalia la soo geliyay war af furan oo aan la fahmi karin kaasoo laga soo qaatay khudbada Madaxweynaha, laakiin waxaa la yaab lahayd in goor dhoweyd madaxtooyadu qeybisay warkii madaxweynaha ee xafladii xalay, taasoo caddeyn buuxda u ah heerka uu marayo caajiska iyo fadhiidnimada ka jirta madaxtooyada guud ahaan iyo xubnaheeda warfaafinta u qaabilsan oo u muuqda in xaalad kala guur ah oo hordhac ay galeen.
Madaxweynaha: "Faahfaahinta jabka loo geystey cadowga weerarka caawa ku socda goor dhow ayaad maqli doontaan"
— Villa Somalia (@TheVillaSomalia) March 31, 2016
Madaxweynayaasha maamulada dalka ka jira qaarkood ayaa aad uga shaqo badan Madaxtooyadda Villa Soomaaliya oo marka lagu daro Wasaaradda Warfaafinta awoodi waayay inay madaxweynaha wararkiisa si fiican dadka u gaarsiiyaan.
HOOS KA AKHRI WARKII MAARSO EE MADAXWEYANAHA OO APRIL LA SOO DIRAY
Muqdisho, 1st April 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa ku dhiirigeliyay shacabka Soomaaliyeed inay iskood wax u qabsadaan, waddankoodana dhistaan.
Madaxweynaha ayaa hadalkan xalay ka jeediyay xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu si rasmi ah daaha uga rogay mashruuc la magac baxay “Dalkaaga ku dhiso hal dollar’’.
“Waxaan ku bogaadinayaa maamulka gobolka Banaadir mashruucan cusub ee uu bilaabay ee salka ku haya dib u dhiska waddanka. Doorka ugu weyn ee dib u dhiska dalka waxaa iska leh Soomaalida. Marka la ina arko inaan wax qabsan karno ayaa caalamkuna uu gacan na siin karaa’, ayuu yiri Madaxweynaha.
Waxaa uu Madaxweynaha ka codsadey maamullada kale ee dalka ka jira inay ku daydaan mashruucan oo degaannadooda ay ka hirgeliyaan, si loogu guuleysto hadafka dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale fariin u diray Soomaalida ku nool dalalka dibedda inay xoogga saaraan dib u dhiska waddankooda.
Mar uu ka hadlayey arrimaha amniga Madaxweynaha waxaa uu sheegay in nabad-diidka Al Shabaab ay isku dayayaan inay dib u celiyaan Soomaaliya, balse aanay taasi marnaba dhici doonin, maadaama shacabka Soomaaliyeed uu doonayo nabad iyo horumar.
“Soomaaliya way socotey, dibna u soo laaban mayso. Falalka argagixisada marnaba nagama leexin karaan waddada aan dooraney ee dhinaca nabadda iyo horumarka. Argagixisada waxay weli faraha kula jiraan falal gurracan oo shacabka iyo martida inoo soo gurmatey ku waxyeeleynayaan. Caawa masjid ku yaalla Beled Weyne qarax ayay ka geysteen, subaxnimadii maanta qarax ayay ka geysteen Gaalkacyo, shaleyna dad isugu jira Soomaali iyo ajaanib waddankan wax u qabanaya ayay Muqdisho ku laayeen’’.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray dhammaan qoysaska , ehelada iyo dalalka ay ka soo jeedaan dhammaan dadkii ku dhintey, amaba ku dhaawacmey weeraradaasi bahalnimada ah.
Waxaa kale oo uu Madaxweynaha xusay in sannadkan 2016-ka ay Soomaaliya doorashooyin ka dhici doonaan, dowladda cusub ee la soo dhisayana waxqabadka laga sugayo ay ugu muhiimsan tahay inay waddanka u diyaariso doorashooyin qof iyo cod ah oo dalka ka dhaca sannadka 2020-ka.