Friday, June 27, 2025

Madaxweye Xasan Sheekh oo magacaabay Taliyaha cusub ee ciidamada Badda Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Taliyihii ugu horeeyay ciidamada Qalabka sida ee dalka, kadib markii u xilka la wareegay, kadib muddo 6 bilood ah.

Wreegto kasoo baxday Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Gaashaanle Sare Mubaarak Cabdiqani Muuse loogu magacaabay Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo magaacaabistan ku saleeyey sharciga dhismaha Ciidanka Xoogga dalka ee Lr. 15, wuxuuna faray Taliyaha cusub inuu sii amba-qaado qorsheyaasha qaran ee dib u dhiska Ciidamada Badda Soomaaliyeed, si loo helo ciidan awood u leh hanashada sugidda amniga marin-badeedyada dalka iyo difaaca xeebaheenna.

Xeerkan Madaxweyne oo waafaqsan qodobbada 80-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku dhaqan galay faafinta rasmiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaan weli bedelin Taliyeyaasha ciidamada Xoogga dalka, Booliska iyo Asluubta, balse wuxuu maalmihii ugu horeeyay magacabaya Agaasimaha Hay’adda NISA.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON