Sunday, July 13, 2025

Madaxweynaha Ahlu suna oo Go’aan adag ka qaatay Madaxweynaha cusub ee Galmudug

Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna ayaa war kasoo saaray doorashadii shalay ka dhacday magaalada Cadaado ee madaxweynaha Galmudug loogu doortay Axmed Ducaale Geelle.

Madaxweynaha Ahlu suna ayaa sheegay inaysan waxba ka quseynin Doorashadii Cadaado ka dhacday, isla markaana aanay jirin wax saameyn ah oo ku leedahay dhinacooda.

Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Sheekh Maxamed Shaakir Cali ayaa sheegay inay ku taagan yihiin wadahadalkii socon waayay ee Muqdisho ka dhacay, ayna soo jeediyeen in labada dhinac ay wax isku darsadaan.

“Waxaan ku ogaa Xaaf inuu ganacsade ahaa, wixii Cadaado ka dhacayna nama quseeyaan, mana aqoonsanin…” ayuu yiri Sheekh Axmed Shaakir oo burburkii wadahadallada labada dhinac dusha u saaray dowladda federaalka.

Wuxuu intaas ku daray in inaysan iyagu aqoonsaneyn maamul ka jira gobollada Dhexe, dhinaca kalena aanay aqoonsaneyn maamulkooda, loona baahnaa in la isku daro labada maamul oo eber ah laga bilaabo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON