Tuesday, June 24, 2025

Madaxweynaha Ahlu suna oo shaqada ka eryay maamulkii degmada Dhuusamareeb

Madaxweynaha maamulka Ahlu suna ee Gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa shaqadii ka eryay maamulkii degmada Dhuusmareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud iyadoo ay tahay markii labaad ee maamulka degmadaasi la kala diro saddex bilood gudahood.

Maamulka degmada Dhuusmareeb oo ka koobnaa 14 xubnood, ayna ka mid yihiin Guddoomiyihii degmada  iyo ku-xigeenadiisii ayaa la gaarsiiyay qoraal xilka looga qaaday oo uu ku saxiixan yahay madaxweynaha Ahlu suna.

Qoraalka Sheekh Maxamed Shaakir ayaa lagu sheegay in maamulka degmada ay gudan waayeen xilalkoodii. Ma jiro maamul cusub oo loo magacaabay degmada Dhuusamareeb.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo ciidamo gadoodsan ay la wareegeen xarunta degmada iyado ay taagan tahay xiisad ka dhalatay qaabka loo maamulay deeq laga helay ururo samafal ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON