Madaxweynaha cusub ee Dowlad degaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafe Cumar Muxumed ayaa magacaabiddii ugu horeeyay sameeyay iyadoo uu soo saaray wareegto lagu magacaabay taliyeyaasha laamaha amniga iyo xukummadda.
Wareegtada kasoo baxday madaxweynaha KMG ah ee dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayuu ku sheegay in sababta uu soo magaacaabay jagooyinkan ay tahay baahida badan ee loo qabo adeegyada dhanka amniga iyo xafiiska maamulka degaanka.
HOOS KA AKHRISO MAS’UULIYIINTA LA MAGACAABAY
1- Maxamed Cabdi Mawsar waxaa loo magacaabay taliyaha guud ee ciidamada Liyu booliska.
2- Cabdi Xasan Muuse- Ku-xigeenka taliyaha Liyu booliska.
3- Bashiir Aw Xasan- Madaxa howlgalka Liyu booliska.
4- Mukhtaar SheEkh XuseEn Amiin – Madaxa adeega Liyu booliska.
5- Jarmali Muxumed – Madaxa sirdoonka Liyu booliska.
6- Jeneraal Maxamed Xasan Cali (Maxamed Yare)- Taliyaha booliska.
7- Maxamed Cabdi Gurey- Ku-xigeenka booliska.
8- Cabdiakariim Sheikh Muuse oo ahaan jiray sarkaal ka tirsaan Liyu booliska-waxaa loo magacaabay madaxa ciidammada asluubta. [Ma aha sarkaalkii ONLF ee Dowlada Soomaaliya u dhiibtay Qalbi-dhagax = akhriso halkan]
Waxaa kaloo la magacaabay Madax xafiiskeeda xafiiska maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana loo magacaabay Khadar Jigree Aadaan, oo ah ganacsade qurbe-joog ah oo ka yimid dalka Mareykanka.
Duqa magaalada Jigjiga waxaa loo magacaabay Garaad Cumar Dool Xirsi.