Tuesday, July 1, 2025

Madaxweynaha cusub ee K/Galbeed oo xilka la wareeagy & Caleemo-saarkiisii oo dib u dhacay [Sawirro]

Madaxweynaha cusub ee Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa maanta la wareegay xilka madaxweynaha maamulkaasi oo dhowaan lagu doortay doorasho muran badan hareeyay.

Wuxuu xilka kala wareegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur galbeed C/qaadir Shariif Shiikhuna oo ahaa Ku-simaha Madaxweynaha. Munaasabadda Xil wareejinta oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Dawlad goboleedka Koofur galbeed  ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha cusub oo taageero ka heysta madaxda dowladda Somalia wuxuu shacabka Koonfur Galbeed u sheegay inuu si cadaallad ah aan ugu shaqeyn doono, wuxuuna u maahd celiyey madaxdii xilka sii heysay iyo xildhibaannadii doortay.

Wararka ayaa sheegay in caleemo-saar la filayay in loo sameeyo C/casiis Laftagareen uu dib u dhacay, kadib markii ay qaadaceen inta badan madaxda maamul Goboleedyada dalka ka jira iyo wakiilada beesha caalamka oo aan ka qeyb gelin doorashadiisa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON