Wednesday, June 25, 2025

Madaxweynaha Farmaajo oo gaaray Baydhaba & Ciidamada Itoobiya oo la reebay soo dhoweynta

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhoweyd ka degay  Magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mida wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ka socotay Q/Midoobay oo ay ka mid tahay wasiirka Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed.

Garoonka DiyaaradahaShaati-gaduud ee Magaalada Baydhabo waxaa wafdiga madaxweynaha kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Xasan Sheekh Aadan, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan K/Galbeed, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Ciidamada dowladda Federaalka qeybtooda 60-aad ayaa salaan sharaf madaxweynaha ku siiyay Garoonka Baydhaba, waxaana gebi ahaan soo dhoweynta laga reebay ciidamada AMISOM ee Itoobiyaanka oo hore madaxda dalka salaan sharafta siin jiray marka ay tagaan Baydhaba.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON