Friday, June 27, 2025

Madaxweynaha Farmaajo oo qabanaya kulan ‘Talo-wadaag’ ah oo su’aalo lagu weydiinayo Baraha bulshadada

Madaxtooyada Soomaaliya aya ku dhawaaqday in madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo uu qabanayo kulan loogu magac daray ‘Talo-wadaag’.Kulankan ayaa la sheegay inuu madaxweynaha uga jawaabi doono su’aalaha dadweynaha ay ku weydiiyan baraha bulshada, iyadoo ay goobjoog ka noqon doonaan dad saameyn ku leh bulshada.

“Madaxweynuhu wuxuu martigalinayaa kulan talo wadaag ah, waxaadna su’aalaha kusoo gudbib kartaan Twitter iyo Facebook” ayaa lagu yiri farriimo la soo dhigay baraha bulshada oo madaxtooyada ay sheegtay in su’aalaha loo diri karo madaxweynaha wixii ka bilowda Jimcaha berrito subaxnimada.

Waa markii ugu horeysay kulan noocaan ah ah oo baraha bulshada loo adeegsanayo ay qabanqaabiso Madaxtooyada, waxaana jira su’aalo badan oo mugdi ku jiro siiba socdaalkii madaxweynaha ee Imaaraadka, lacagaha madaxwynaha loogu deeqo iyo xaaladda ammaanka dalka oo ay ku jiraan dagaalkii uu ku dhawaaqay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON