Thursday, June 26, 2025

Madaxweynaha Hirshabeelle oo 2 bilood kadib ku laabtay Jowhar [Mooshin loo diyaarinayo]

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa dib ugu laabtay maanta magaalada Jowhar ee xarunta maamulkiisa.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa fadhi ka dhigtay magaalada Muqdisho muddo 2 bilood ka badan, waxaana uu u tegay Jowhar si uu uga badbaado qodob Dastuuri ah oo sheegaya inuusan madaxweynaha ka maqnaan karin xarunta maamulka muddo ka badan laba bilood.

Xiisad siyaasadeed ayaa ka taagan magaalada Jowhar iyadoo xildhibaanada Maamulka Hirshabeelle ay wadaan olole kale oo lagu doonayo in xilka looga qaado Cali C/llaahi Cosoble, waxaana lagu eedeeyay shaqo gudasho la’aan iyo inuusan ku shaqeynin xarunta maamulkiisa, kana warqabin xaaladda degaanada hoos taga maamulkiisa.

Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa dhowaan shaqada ka fariisiyay guddoomiyaha Baarlamaanka marki uu caqabad ku noqday mooshin ay ka wadeen madaxweyne Cosobole, lamana oga in xildhibaanada kacsan la xalin doono sida hore u dhacday iyo in kale.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON