Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa War-cad kasoo saaray Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada, isagoo ka hor yimid tallaabooyinkii ay dhowaan qaadeen madaxda Maamul Goboleedyada.
Qoraal ka soo baxay Madaxweyne Waare ayuu ku sheegay in go’aan qaadashada Golaha ay tahay mid ku dhisan wadar-ogol ee aan wax go’aan ah la gaarin karin iyadoo Hirshabelle ka maqan tahay, wuxuuna ka hor yimid shirarkii madaxda dowlad Goboleedyada iyo beesha caalamka ee Nairobi iyo afhayeen la sheegay in loo magacaabay Golahaasi.
HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA WAARE