Saturday, July 12, 2025

Madaxweynaha Hirshabeelle oo shaaciyey in Maleeshiyadii Alshabaab ee Sh/Hoose ay u guureen Degaanada Hirshabelle

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in maleeshiyada Alshabaab ee culeys kasoo wajahay howlgallada ka socda Gobolka Sh/Hoose ay u wareegeen Gobolka Sh/Dhexe oo culeys amni uu soo wajahay.

Isagoo ka hadlayey bandhig wax soo saar oo ka dhacay magaalada Jowhar ayuu madaxweynaha Hirshabeelle ku baaqay xaaladda amniga wax lagala qabto maamulka Hirshabeelle, wxuuuna sheegay in loo istaago dhammaan sidii looga hortegi lahaa kooxaha Alshabaab ee dhibaatada ku haya Jidka u dhaxeeya Jowhar iyo Balcad iyo guud ahaan Hirshabeelle.

“Hirshabelle haddaan nahay culeys amni oo wax badan aan qarsanay ayaa na fuula.. haddana wuxuu soo gaaray heer aanan qarsan karin… caddowgii Sh/Hoose lama leynin anagga ayey noo soo guureen… waxan ugu baaqeynaa dhammaan dowlada inaan ka wada shaqeyno amniga..” ayuu yiri Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo caddeeyay in xaaladda amni ee heysata maamulkiisa ay tahay mid culus.

Maalmihii ugu danbeeyay ayey Alshabaab xoojisay weerarrada ay ka geystaan jidka isku xira magaalooyinka Jowhar iyo Balcad, iyadoo lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle iyo askar badan oo ka tirsan AMISOM.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON