Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo shir jiraa’id ku qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa si kulul uga hadlay warar ku saabsan in dowladda Federaalka ay Diyaaradaha Qaadka ka joojisay inuu ka dego magaalada Jowhar.
Isagoo kasoo laabtay magaalada Buuloburte ayuu ka hadlay arrimo oo ku saabsan Qaadkii labadii maalin ee la soo dhaafay ka degayay Magaalada Jowhar, balse maanta hakaday.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo cid kasta oo rabtaa garoomada Hirshabeelle in badeecadahooda ay ka degsadaan, isgoo intaas raaciyay inuu maqlay in amar ka soo baxay Dowladda lagu joojiyay in diyaaradaha Qaadka ay ka degaan Jowhar.
“Lama aqbali karo in la cunaqabteeyo Jowhar, waxaan maqlay in diyaaradaha Qaadka laga joojiyay Jowhar..” ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeellle oo sheegay inuu la xiriiray Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo uu wax ka weydiiyay arrintan, Ra’isul wasaaruhuna uu sheegay inuusan waxba ka ogeyn.
Wuxuu ku eedeeya in xafiisyo hoose oo Dowladda ka tirsan ay ka dambeeyaan, isla markaana baaritaan ay wadaan , iyadoo xafiiskiis ay ku caddaato ay la xisaabtami doonaan, kuna kala bixi doonaan wixii uu dastuurka ka qabo.
“Waxaan Sharci eheyn Cidna nagulama dhaqmi karto, Waan ogahay shaqsiyaad daneynaya oo dhahaya ma dhaceyso oo suuqyada ku hayo Ceelmacaan in la furaa ma dhaceyso Garoonka Jowhar iyo cisaley in Badeeco ka soo dagtaa ma dhici karto, shaqsiyaad raba in ay ku owr kacsadaan dano ay leeyihiin Mas’uuliyiina sheeganaya waa ay jiraan, Laakiin xaqiiqda waxay tahay dalku Dastuur ayuu leeyahay dastuurka ayayna tahay in lagu dhaqmaa” ayuu si kulul u yiri Madaxweyne Cali C/llaahi CCosoble.
Goobjooge.com